RW Rooble oo ka baaqday Casho Sharaf ay u sameeyeen Madaxda Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ka qaaday Munaasabad Casho Sharaf oo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u sameeyay Rooble iyo wafdigii la socday.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, waxaana Madaxda Puntland ugu tala-gashay Xaflada in lagu sagootiyo Ra’iisul  Wasaaraha iyo wafdigiisa oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay halkaas ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiligii laga sugayay inuu tego xaflada booqasho ku aaday qaar kamid ah goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Garoowe, isla markaana Ganacsatada kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadda iyo horumarka ay heystaan.

“Waxaan waqti la qaatay shacabka magaalada Garowe oo aan ugu tagay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumahooda ganacsiga. Waxaan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan nabadda & horumarka ay haystaan, ugana mahadceliyay soo dhaweyntii diirraneyd ee aniga & wafdigeyga” ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale xaflada sagootinta aheyd ee ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta uu uga baaqday Ra’iisul Wasaare Rooble Casho Sharafta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Madaxweyne Deni uu guud ahaan ka diiday dalabyo dhowr ah oo uga yimid dhinaca Rooble oo ku aadan Arrimaha doorashada iyo Guddiyada la magacaabay ee lagu muran yahay.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.

Kulamadii dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa dhammaantood kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana Rooble uu Maanta isaga tagayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media