RW Rooble oo hoygiisa kula kulmay Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

kulanka RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sh. Ahmed iyo Xasan Sh. Maxamuud ayaa kusoo aadaya, iyadoo xiriirka u dhexeeya madaxweyne farmaajo iyo RW Rooble uu noqday mid aan wanaagsanayn.

Waxaana xukuumaddu ay ka hor timid Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu amray in hay’adaha dowladdu ay shaqooyinkooda sii wadan doonaan, tan iyo inta ay xukuumad kale ka imaanayso, waxaana taasi ay si cad kaga hor imaanaysaa wareegtadii farmaajo ee lagu joojiyay heshiisyada ay galayso Xukuumadda xilgaarsiintu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor