RW Rooble oo Guddi u magacaabay xaqiijinta qoondada Haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30%, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood oo dhammaantood haween ah.

Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, iyagoona ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada matalaadda haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa horey Haweenka Soomaaliyeed uga balan qaaday in la ilaalin doono xuquuqda haweenka ee doorashooyinka dalka dhacaya.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga uu magacaabay Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor