RW Rooble oo Guddi baaris u magacaabay isku daygii Afgembi ee fashilmay (Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi baaris u magacaabay dhacdadii 27 December sanadkii 2021 la isku dayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga baarista oo ka kooban 5-xubnood oo ka tirsan Xukuumaddiisa, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa sidoo kale ku jira Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab iyo Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo ah Wasiiru dowlaha Hawlaha Guud.

“Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda” ayaa lagu yiri Wareegtada Rooble.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa ay magacyadooda kala yihiin :

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku aadan  dhacdadii 27 December sanadkii 2021 ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor