RW Rooble oo Codsi u diray Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda Hay’adaha Warbaahinta Madaxa Bannaan.

Kulanka uu RW Rooble la yeeshay Madaxda Warbaahinta ayaa ahaa mid diiradda lagu saran arrimaha ka taagan dalka e ay ugu horreeyaan Abaaraha, waxaana uu ammaanay kaalintoda wacyigelinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xsueen Rooble ayaa sidooo kale  ka codsaday Madaxda  Warbaahinta inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa sidoo kale  mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka u yahay, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato si nabad ah  sida ugu dhaqsiyaha.