RW Rooble oo Beesha Caalamka u gudbiyay Warbixin la xiriirta Shirka uu Iclaamiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Axad ah kulan gaar ah oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta  hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Kulankaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Cirka isku sii shareeray khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor