RW Rooble oo Amray in si Deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Dadkii dilay Dhallinyarada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dilal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen saddex ruux oo dhalinyaro ahaa oo ay ku jiraan laba walaalo ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa marka hore tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa iyo Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ay dileen Ciidamo kamid ah dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in Ciidanka ammaanka ay soo qabteen eedaysanayaashii dilay saddexda ruux ee dhalinyarada ahaa, kuwaasi oo lagu kala dilay Isgoysyada Soobe iyo Dabka ee Muqdisho.

Rooble ayaa amray in si deg deg ah sharciga loo horgeeyo eedaysanayaashii loo soo qabtay dilalka loo geystay Allaha u naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud, si eheladoodu caddaalad u helaan.

Laamaha amniga dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay dad lagu tuhmayo dilalkaas ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka lasoo qabtay ay yihiin  Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan, isla markaana Booliska shaaciyay in sharciga la horgeyn doono dadka la qabtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor