RW Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa yimid kadib markii uu Casuumaad ka helay Maadxweynaha dalkaasi Masare Cabdul fataax Elsiisii.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ayku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sacdaal ku tagay dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi, isagoo si gaar ah kulan ula yeeshay madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor