RW Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Nairobi

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya axamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu Nairobi gaaro, xili uu Marti qaad rasmi ah uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana socda diyaargarow ku aaddan Socdaalka RW Rooble ee Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in sababaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kenya ku tagayo uu yahay u jeedku sidii Uhuru Keyata iyo Rooble ay kaga wada hadli lahaayeen sidii loo adkayn lahaa xiriirka labada dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa iskaashiga dhinacyada Amniga, Socdaalka iyo Ganacsiga.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, waxaana sidoo kale xarigga laga jaray Dhismaha safaaarddii Kenya, oo shalay si wada jir ah ay xarigga uga jareen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor