RW Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu amba-baxo dalka Qatar, sida ay tibaaxayaan warar hoose oo aynu helnay.

Wararka soo baxaya ee aynu helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay u amba-baxaan Dalka Qatar, waxaana la sheegay in Socdaalka Rooble uu ku adambeeyay kadib markii Dowladda Qatar uu ka helay Martiqaad Rasmi ah.

Ilaa iyo hadda lama shaacin waxyaabaha uu RW Rooble kala hadli doono Madaxda Qatar oo u ka helay Marti Qaadka.

Socdaalka Rooble ayaa imaanaya,iyadoo Madaxweyne maxamed Cabdullaahi farmaajo uu socdaal ku aaday Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qayb gali doono caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed,

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor