RW Rooble iyo Madaxweyne Qoorqoor oo heshiiis gaaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan ay yeesheen xalay waxaa lagu xaliyay sida la sheegay madmadowgii u dhaxeeyay Rooble iyo Qoorqoor.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in labada mas’uul uusan xiiriirkoodu wanaagsanayn,tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaana la sheegay in madmadowga siyaasadeeed ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu ka dhashay qaabka uu qoorqoor u wajahay dhex-dhexaadnimadiisa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu dhaliilay dhex-dhexaadintiisa, waxaana warar hoose oo soo baxay ay sheegayen in uu dhanka Madaxweynaha lasafnaa.

Dhinacyo kala duwan oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa ku dhaliilayay Maadaxweyne Qoorqoor inaanu doorkiisii saxda ahaa qaadanin, laakiin hada sida muuqata howshaas ay ka heshiiyeen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor