RW Rooble iyo M/Goboleedyada oo kulan ka yeeshay Khilaafka Arrinta Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa xalay khadka ZOOM-ka kulan gaar ah ku yeeshay.

Inta uu socday kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta doorashooyinka la filayo inay dalka ka bilowdan iyo arrinta Somaliland oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.

Sidoo kale Madaxda ayaa ka wada hadlay hirgelinta soo jeedinta Guddigii dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland iyo xalinta caqabadaha weli ka jira qabsoomida doorashada dhaceysa.

Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegaya in Madaxda dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, sida muuqatay ay Madaxda dowlad Goboleedyada xiriiro la kala leeyihiin labada garab ee siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo markii hore loo qorsheeyay inay bilaabato 25-ka Julay 2021 oo Maanta ku beegan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor