RW Rooble iyo Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan yeeshay, kadib dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka oo aahaa mid saacado qaatay ayaa RW Rooble waxaa uu ku boorriyay xubnaha madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maalinimadii shalay ay kku ekeed xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.

Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamnka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo dagaalamayaasha Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.

Heshiiskii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku gaareen Muqdisho, ayaa dhigayay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu guda galo arrimaha doorashooyinka si dalku uu doorasho xor iyo xalaal ah u aado, balse waxaa muuqata dib u dhac ku yimid axyaabihii la qorsheeyay, iyadoo Doorashadii aqalka sare ay u muuqato in ay dhaaftay waqtigii loo asteeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor