RW Rooble “Ciidamadu kama amar qaaadan karaan madaxweynihii hore Farmaajo”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul kaga hadlay tallaabooyinkii is xigxigay ee uu qaaday Madaxweybe farmaajo, kuwaasi oo la xariiray shaqo joojintii lagu sameeyay iyo Ciidamadii saaka la dul dhigay Xafiiskiisa.

Rooble ayaa sheegay in tallaabadaasi mid sharciga Baalmarsan, sidoo kalena aan loo dulqaadan doonin, tallaabooyinkaasi.

Rooble ayaa si cad u adeegsaday kalmaddii hadal haynta dhalisay ee ahayd “Madaxweynihii hore” taasi oo qoraalkii saaka uu ku dhex-sheegay, waxaana mar kale uu si cad u isticmaalay kalmaddaasi,isagoo sheegay in farmaajo uu yahay musuharrax madaxweyne, kaasi oo aam axba dhaamin Musharixiinta kale ee tartamaysa.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale adkeeyay arrimaha ku aaddan doorashooyinka dalka,isagoo sheegay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacada.

Rooble ayaa sidoo akle ka dhawaajiyay in Ciidanka Qalabka sida ay si toos ah kaga amar qaadan doonaan xafiiskiisa, isagoo carrabka ku dhuftay in ciddii ka hor timaadda uu sharciga la tiigsan doono.

Waxaa intaasi uu ku daray in shirkii dhawaan uu iclaamiyay uu dhici doono, iyadoo madaxweyna yaasha Dowlad Goboleedyada oo dil ay imaan dooonaan, haatanna la diyaariyay wax walba oo ku saabsan shirkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor