Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta oo Maanta ansixiyay sharciyo dhowr ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka Warbixiyey Arrimo dhowr ah, isagoona Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo  igmaday.

Inta uu socday Shirka Golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha  Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo dhawaan looga guuleystay doorashadii dhacday, waxaana uu sheegay Rooble inay wadashaqeyn wanaagsan dhexmartay isaga iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Carabka ku dhuftay in aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay in Agaasimeyaal uu u magacaabay Wasaaradaha Shaqada iyo shaqaalaha, Ganacsiga iyo Wasaaraddo kale ay sharci yihiin, isla markaana waxaa uu Agaasimeyaasha uu magacaabay faray  inay shaqadooda gutaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor