Rooble “Aniga cidna dhabarka igama taaban cidna uma dhuuman Doorashadana waa qabasho”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda doorashada dalka ay mareyso meel wanaagsan, inkastoo oo uu xusay inay jiraan tabashooyin la xiriira daah-furnaan la’aanta doorashada.

Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu qaaday tallaabooyin lagu saxayo qalalaadka ka jira doorashada, uuna kulamo wadatashi ah la qaatay Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada, si loo saxo tabashooyinka jira ee lasoo gudbiyey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay inuu qorsheynayo kulan kale oo uu la yeesho Golaha Wadatashiga Qaran oo ay uga arrinsan doonaan xoojinta daah-furnaanta hannaanka doorashada dhaceysa iyo dardar-gelinteeda.

Wuxuu Mas’uuliyiinta iyo saamileyda siyaasadda dalka ugu baaqay in laga wadashaqeyo in doorashada noqoto mid daah-furan, laguna kalsoonaan karo oo dalka gaarsiisa xasillooni siyaasadeed, isla markaana ku dhacda si xor iyo xalaal ah.

”Dadka waxay is weydiinayaan Rooble muxuu la’aamusanyahay ma safarkii Qatar uu ku tagay miyaa dhabarka looga soo taabtay,maya aniga cidna dhabarka igama taaban cidna uma dhuuman doorashadana waa qabasho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka sheegay Munaasabad uu kusoo xirayay Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo lagu qabtay dalka Djibouti taas oo sanadkan looga doodayay xasaradaha Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor