RW ku-xigeenka Dalka oo kormeeray Xarunta la geeyo dadka qaba COVID-19

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa Maanta kormeer ku tegay Isbitaalka Martiini oo ah Xarunta lagu daaweeyo dadka uu ku dhaco Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uu sameeyay ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Dr. Fawziya Abiikar Nuur iyo Mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee isbitaalka martiini Dr. Abdirisaaq ayaa ugu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Mas’uuliyiinta la socotay  uga warbixiyay wax qabadka isbitaalka iyo sidii loola tacaaday dadkii ka bogsaday Cudurka COVID-19.

Intaas kadib Mahdi Maxamed Guuleed Qadar iyo Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa qol qol u galay qololka uu ka kooban yahay Isbitaalka, isla markaana waxaa ay bogaadiyeen sida ay shaqada uga socoto halkaas.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 2,642. Guud ahaan 88 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 622 ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media