RW ku-xigeenka Dalka oo Imtixaan u daah-furay In ka badan 34 kun oo Arday

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed Qadar ayaa Maanta oo sabti ah si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenka dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay Imtixaanka shahaadiga ah u daah-fureen Arday ku dhow 35 kun oo oo dhameystay waxbarashada Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare, kuwaasi oo ku sugan Muqdisho iyo Magaalooyinka maamul Goboleedyada dalka.

Waxaa uu sheegay Mahadi Guuleed in dowladda Soomaaliya ay horumar ka gaartay dhinaca Waxbarashada dalka, isla markaana waxaa uu xusay weli socdaan qorshe yaal kale oo guulo waxbarasho lagu gaarayo.

Ammaanka Xarumaha  imtixaanka lagu galayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo si gaar ah u ilaaliya amniga goobaha, sidoo kale kormeerayaal ka socda wasaaradda waxbarashada iyo iskuulada ayaa la geeyay xarumaha kuwaas oo loogu talogalay inay ilaaliyaan Imtixaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka sannadkii 6-aad oo xiriir ah kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sannadkaan wasaaradda waxbarashadu ay ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media