RW Kheyre oo War kasoo saaray Geeridii Xildhibaan Jamhuuriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeya geeridii ku timid Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya) oo xalay ku dhintay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tacsi u diray qoyska, qaarabada, Asxaabta iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xasan Cali (Jamhuuriya) oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuusanayay Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasyiin iyo dadweyne farabadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Xasan Cali (Jamhuuriya) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kana mid ahaa Guddiga Maaliyada Golaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media