RW Kheyre oo fariin Culus u diray Wasaaradda Caafimaadka Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Markale shir Guddoomiyey Shirka Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, kaasi oo lagu qabtay Mareegta Internet-ka.

Inta uu socday Shirka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta iyo wacyi-gelinta Cudurka halista ah ee  Coronavirus oo in badan 400 oo Kiis laga helay gudaha Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya inay la timaado qorshe ballaaran oo dhamaan dadka looga baarayo Cudurka Coronavirus oo kusiin faafaya Caasimadda  dalka ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka  Coronavirus, xilliga gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 400 oo xanuunkaas ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media