RW Kheyre oo balan qaad u sameeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona xiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor