RW Abiy oo magacaabay xubnaha Dowlad Deegaanka ka heleen Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul-wasaare Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiiru-dowlayaal gaaraya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka.

Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay oo noqonaya kuwi ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho.

Warkan oo aan ka soo xigannay bogga telefishinka FBC aya sheegay Deegaanka Soomaalida waxa ugu jirta seddex wasiiru dowla oo kala ah:

1-Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka.

2-Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta.

3-Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay.

1-Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda iyo 2-Adan Faarax, madaxa xaruunta dhexe ee xisbiga xisbiga dalka Itoobiya haya ee EPP ama Barwaaqo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor