Ruux weerar ka geystay Caawa Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah ayaa fiidnimadii Caawa lagu weerar Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Baaandir, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Nin hubeysan ayaa Bam gacmeedka ku tuuray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana jugta Bamka ayaa waxaa laga maqlay xaafaddo dhow Saldhiga Booliska Xamarweyne, waxaana Ninka falkaas  geystay uu isku dayay inuu si deg deg ah goobta uga baxsado.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa mee ku dhow Saldhiga ayaa gacanta ku dhigay Ninkii Bamka tuuray oo marka hore  isku dayay inuu si dhaqsi ah ku cararo.

Ninka ayaa waxaa durbo lagu xiray mid kamid Saldhigyada ay leeyihiin Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, isla markaana halkaas lagu weydiinayo su’aalo kala duwan.

Laamaha amniga dowladda gaar ahaan kuwa degmada Xamarweyne oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in weerarkii Bam gacmeedka ahaa uusan geystan wax khasaaro ah.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey gacanta sidaan oo kale ugu dhigay rag hubeysan oo weerar ka geystay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood isku dayay inay baxsadaan wallow markii dambe la qabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media