Ruushka oo sheegay inuu gobol muhiim ah kala wareegay Ukraine

Wasiirka gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dhammeystireen qabsashada gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Luhansk.

Goor sii horreysay wasaaraddiisa ayaa sheegtay in ciidamadooda ay hareereeyeen Lysychansk oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay difaacayeen ciidamada Ukraine.

MIlitariga Ukraine ma aysan xaqiijin warkan, balse Barasaabka gobolka Luhansk, Serhiy Haidai, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku sii ballaarinayaan sida uu hadalka u dhigay magaalada Lysychansk.

Arintan ayaa imaaneysa hal toddobaad uun kaddib markii ciidamada Ukraine ay isaga baxeen magaalada Severodonetsk

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor