Ruushka oo diyaarad dagaal laga soo riday

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada milatariga dalka Ruushka ayaa lagu soo riday gudaha dalka Armenia, gaar ahaan meel u dhow xudduudda Armenia ay la leedahay dalka Azerbaijan.

Milatariga dalka Ruushka ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha diyaaraddaasi, halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Mi-24 ayaa gantaal lala helay, kaddibna halkaa ku burburtay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay raalligelin ka bixisay dhacdadaasi. Wasaaraddu waxay sheegtay in diyaaraddaasi ay si khalad ah u toogteen ciidamada Azerbaijan oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Nakhchivan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media