Ruushka iyo Shiinaha oo sameeyey dhoolatus militari oo wadajir ah

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

“Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha.

“Markii ugu horreysay taariikhda roondada hawada, diyaaradaha Ruushka waxay soo cago dhigteen Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, halka diyaaradaha Shiinaha ay cago dhigteen dhulka Federaalka Ruushka,” ayey tiri wasaaradda.

Dhoolatusyada ayaa la fuliyay “iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah” kumana “wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor