Roole oo farriin u diray shacabka Magaalada Muqdisho iyo kuwa Gobolada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarummaha Xiriirka Dadweynaha 449 oo ka shaqeeya isku xirka shacabka, goobaha  caafimaadka iyo Guddiga Naf-badbaadi ee ku howlgala xarummaha dowladdu ay u qorsheysay la tacaalidda Covid19.

Howlwadeennada Caafimaadka ee ku sugnaa Cisbitaalka Banaadir ayaa tallooyin siiya dadka la soo xiriira talooyin iyo gurmad la xiriira habka la tacaalidda cudurka Covid19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Rooble ayaa boggaadiyay dhallinyarada ka howlgasha xarunta sida adeg ay ugu shaqeynayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, xiligaan uu dhibaatada xoogga leh ku hayo dalka xanuunka Covid19.

“Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabadho ayaa ka howlgala xaruntan waxay u taagan yihiin 24ka saac sidii ay ummadda Soomaaliyeed ugu caawin lahaayeen talooyinka ay u baahan yihiin, waana uga mahadcelinaynaa kaalintaas ay buuxiyeen”.

Dhalinyarada ka howlgasha xarunta Xiriirka Dadweynaha Covid19 ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey howlaha ay qabtaan, waxa ayna tilmaameen in wicitaannada ugu badan ay ka yimaadaan gobollada dalka, halka ay Caasimadda soo yaaranayaan, halka uu guddiga nafbadbaadi, usoo gudbiyeen howlaha u qabsoomay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeeed in ay muujiyaan feejignaaan dheeri ah, maadaama uu xanuunku soo labo kacleeyey ayna racaan tilmaamaha caafimaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor