Rooble oo shaqo-joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo ka hor yimid

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqa-joojin ku sameeyay agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka Fahad Yaasiin, sida lagu xaqiijiyay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha.
Rooble ayaa faray Fahad Yaasiin in muddo sadex maalood gudahood ah uu xilka hay’adda NISA ku wareejiyo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo hore u soo noqday agaasimaha NISA si ku-meel gaar ah ugu magacaabay agaasimaha NISA.

Ra’isul Wasare Rooble ayaa sidoo kale faray xeel-ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka inuu baaritaan rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaddibna horgeeyoo ‘Maxkamad sharci ahoo awood u leh’.

Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa horraantii Axaddii uga jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

 

Dhanka kale Maadxweynaha Dowladda Federaalka ah e Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa ka hor yimid ga’aankii RW Rooble, waxaana warad kasoo baxday madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in Fahad Yaasiin uu shaqadiisa si wato.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor