Rooble oo Munaasabad soo dhaweyn u sameeyay Guddigii Somalia ee Maxkamadda ICJ

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Rooble ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey badda, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalka.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii bishaan Octoober 2021 ku dhawaaqday Go’aanka kiiskii Badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana badda loo xukmiyey Soomaaliya, halka Kenyana laga diiday doodii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor