RW Rooble oo la kulmay Wasiirka A/Dibada Kenya kana guddoomay casuumad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Roobl iyo Raychelle Omamo ayaa waxaa looga wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, taas oo uu ku tegi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

“Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Dowladda Federalka ayaa waxaa ay sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Keny ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya, iyadoo labada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor