Rooble oo kulan la yeeshay Wafdiga DFS uga qeyb galay dhageysiga Go’aankii Kiiska Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda Cadaaladda Aduubka ICJ ee kiiskii badda.

Ra’iisul Waaare Rooble ayaa wafdiga ka socday dowladda Federaalka ku bogaadiyay shaqadii ay qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda ICJ, isla markaana shacabka ugu hambalyeeyay guusha la gaaray, sidoo kalena u mahadceliyay wafdiga ka socda dowladda ee ka qeyb galay dhageysiga Go’aankii Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Doodda labada dal ayaa aheyd, iyada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay Maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor