RW Rooble oo iyo Guddiga Doorashooyinka oo ka wada hadlay Xareynta Ergada Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kula qaatay xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Kulanka Rooble iyo Guddiga doorashooyinka ayaa looga wada hadlay dhamaystirka doorashada Aqalka sare oo heer gaba-gabo mareysa iyo dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo inay bilaabato .

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u haayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo xareeynta Ergada si Deg-deg ah loo guda-galo,  si  Doorashada golaha Shacabka u bilaabato.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmo kahor Guddiga doorashooyinka Somaliland ay shaaciyeen in todobaadka soo socda bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay dhameystiraan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waaxana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor