Rooble oo daah-furay Hay’ay ka shaqeyneysa ilaalinta badeecadaha dalka soo gala

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaarw Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay hay’addan bulshada, taasoo mas’uul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyada iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Waxa uu Rooble ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku bogaadiyey shaqada adag ee hirgelinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka tarjumayso kartida iyo dadaallada miro-dhalka ah ee lagu tallaabsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor