Rooble iyo Beesha Caalamka oo Maanta ka wada hadlay khilaafka Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo talaado ah xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka oo weli Madaxda aysan heshiis rasmi ah ka gaarin.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa Maxamed Rooble u sheegtay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada, isal markaana Madaxad dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay Shir isugu yimaadan.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka taagan, iyagoona shalay kulan la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada, kuna boorisay inay sii wadaan kulamada hordhaca u ah Shirka guud ee Madaxda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor