Roobab xoogan oo ka da’ay Puntland iyo Dad lasoo Badbaadiyey

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas 24-kii saac ee la soo dhaafay uu si aad ah uga da’een roobab mahiigaan ah, kaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobka ayaa saacado xiriirka ka da’ay Magaalada Boosaaso iyo deegaanada xeebaha ee Puntland, waxaana Waddooyin ku yaalla halkaas ku soo rogmaday daadad waaweyn, iyadoona ay fadhigayan biyo badan.

Taliska qeybta Booliska ee Gobalka Barri ayaa sheegay in xalay ay soo badbaadiyeen saddex gaadiid oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kuwaasi oo kusii jeeday Boosaaso, hayeeshee ay biyaha roobka qaadeen, iyadoona si nabad ah dadkii saarnaa looga soo bixiyay.

Sawirro laga soo qaaday daadadka kusoo rogmaday Boosaaso ayaa lagu arkayay, iyadoo waddooyinka ay socdaan biyo xad-dhaaf ah, waxaana halkaas si aad ah uga da’ay roobab mahiigaan ah.

Maamulka Gobolka Bari ayaa hakiyay isku socodka gaadiidka ee Magaalada Boosaaso iyo Gobolada kale ee Puntland, kadib ay wadada ay ka qudmeen Go’dad waaweyn.

Dhinaa kale Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ka da’ay roob xoog leh, kaasi geystay Khasaaro kala duwan, balse si dhab ah looga oga inta uu la egyahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media