Rasaas laga Maqlayo Xarunta Baarlamaanka Somaliland iyo Xildhibaanno Isfeeray

Waxaa wali cirka isku sii shareeraya Buuqa iyo sawaxanka Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo  Gudaha xarunta laga maqlay Rasaas, taasi oo buuq iyo jawareer hor leh dhalisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa bannaanka hore ee xarunta Warbaahinta kula hadlaya, waxaana Xildhibaanadu ay u kala qaybsameen dhowr qaybood oo iska soo hor jeeeda.

Sidoo kale Kulanka Golaha ayaa furmi la’a kooram la aan darted, waxaana sharci darro lagu tilmaamay Mooshin abaabulan oo ay wadaan Garab ka mid ah Xildhibaaanda, iyadoo Golaha sharciyaqaannada Baarlamaanku ay sheegeen in Mooshinkaasi yahay mid baal marsan sharciga Golaha.

Wali xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la arkayay labo Xildhibaan oo gacanta iskula tagay, iyadoo  Baraha Bulshada si weyn u qabsaday Muuqaalka Maxamed Khadar iyo Khadar Guun, kuwaasi oo gacanta iskula tagay, si toos ahna isku feeray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda ay xarunta soo galeen Ciidamo Hubeysan, kuwaasi oo xaaladda sii xumeyay,kadib markii Qaar ka mid ah ay si carol eh ugu qayliyeen Askarta.

Buuqa iyo Khilaafka ayaa ka dambeeyay kadib markii Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu  sheegay in isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay.

Waxaana Saleebaan Cali Koore  uu sheegay in arrintaan aaney hadda wax dood ahi ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aaney u oollin xitaa Golaha Wakiillada Soomaaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.

Balse  Xisbiyada Mucaaradka ayaa si toos ah kaga hor yimid arrintaasi, iyoo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani ay dhankooda qabteen Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in marnaab aysan aqbalin doonin tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor