HomeWararRasaas laga Maqlayo Xarunta Baarlamaanka Somaliland iyo Xildhibaanno Isfeeray

Rasaas laga Maqlayo Xarunta Baarlamaanka Somaliland iyo Xildhibaanno Isfeeray

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Waxaa wali cirka isku sii shareeraya Buuqa iyo sawaxanka Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo  Gudaha xarunta laga maqlay Rasaas, taasi oo buuq iyo jawareer hor leh dhalisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa bannaanka hore ee xarunta Warbaahinta kula hadlaya, waxaana Xildhibaanadu ay u kala qaybsameen dhowr qaybood oo iska soo hor jeeeda.

Sidoo kale Kulanka Golaha ayaa furmi la’a kooram la aan darted, waxaana sharci darro lagu tilmaamay Mooshin abaabulan oo ay wadaan Garab ka mid ah Xildhibaaanda, iyadoo Golaha sharciyaqaannada Baarlamaanku ay sheegeen in Mooshinkaasi yahay mid baal marsan sharciga Golaha.

Wali xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la arkayay labo Xildhibaan oo gacanta iskula tagay, iyadoo  Baraha Bulshada si weyn u qabsaday Muuqaalka Maxamed Khadar iyo Khadar Guun, kuwaasi oo gacanta iskula tagay, si toos ahna isku feeray.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda ay xarunta soo galeen Ciidamo Hubeysan, kuwaasi oo xaaladda sii xumeyay,kadib markii Qaar ka mid ah ay si carol eh ugu qayliyeen Askarta.

Buuqa iyo Khilaafka ayaa ka dambeeyay kadib markii Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu  sheegay in isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay.

Waxaana Saleebaan Cali Koore  uu sheegay in arrintaan aaney hadda wax dood ahi ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aaney u oollin xitaa Golaha Wakiillada Soomaaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.

Balse  Xisbiyada Mucaaradka ayaa si toos ah kaga hor yimid arrintaasi, iyoo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani ay dhankooda qabteen Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in marnaab aysan aqbalin doonin tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories