Rajo laga muujinayo xal u helista Colaadda dalka Suuriya

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya, Geir Pedersen, ayaa sheegay inay muuqato rajo cusub oo lagu xallinayo dagaallada sokeeye ee Suuriya ee tobanka sano socda kuwaas oo ay ku naf waayeen dad gaaraya nus milyan qof.

Mr Pedersen, oo la hadlayay hogaamiyayaasha reer galbeedka, saraakiil Suuriyaan ah iyo wadamada kale ee Carab ah, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in horumarku uu suurtagal yahay haddii loo maro hab “tallaabo tallaabo ah”.

Balse ma uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan. Bishii Oktoobar Mr Pedersen waxa uu ku dhawaaqay guul laga gaaray wadahadaladii dastuuriga ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Suuriya iyo mucaaradka.

Hasa-yeeshee maalmo yar ka dib waxaa uu qirtay in wadahadalku uu dhamaaday, isla markaana aan waqti loo qaban wada xaajood kale

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor