Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia oo maanta lagu aasayo Magaalada Garoowe

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagasoo dejiyo Meydka allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo maalmo ka hor ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga.

Marka lagasoo dejiyo garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu wadaa in salaadda Janaasada ay ku dukadaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan labada gole.

Intaa kadib ayaa waxaa loosii duulin doonaa meydka ra’iisul wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax magaalada Garoowe halkaas oo aas qaran loogu sameynayo iyada oo ay ku suganyihiin madaxweynayaasha mamaul gobaleedyda.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu gaari doono magaalada Garoowe si uu uga qeyb galo aaska qaran ee loo sameynayo allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media