Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay La-taliyeyaashiisa iyo Mas’uuliyiin kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, La-taliyeyaashiisa iyo Afhayeenka, kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay 28-kii bishii June 2022.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr, isagoo u mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Maxamed Ibraahim Nuur.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cali Cabdi Awaare u magacaabay  La-taliyaha Arrimaha dib u heshiisiinta, Kamaal Guutaale ayaa isna loo magacaabay La-taliyaha Amniga RW, Dr. Hodan Cismaan ayaa laga dhigay La-taliyaha xiriirka Caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa  Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi u magacaabay La-taliye sare ee Arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha Barnaamijyada, halka Farxaan Maxamed Jimcaale oo ah Wariye caan ah Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

Hoos ka Akhriso Qoraalo lasoo saaray

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor