Ra’iisul Wasaare Xamse oo magaca ka bedelay mid kamid ah Wasaaraddaha Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaca ka bedelay Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse Barre ayaa wareegtada uu soo saaray oo ku taariikheysan 30-kii November 2022 ayaa waxaa magaca rasmiga ah ee Wasaaradda ugu  bedelay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic.

Magaca la bedelay ayaa markii hore waxaa uu ahaa Wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda, waxaana magac bedelka uu dhaqan-galayaa markii uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, wuxuuna saxiixay.

Hoos ka Akhriso wareegtada

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor