Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay mas’uul cusub (Wareegto)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa si KMG ah uu xilka  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu magacaabay inuu noqdo Caydaruus Macalin Xasan Cabdulle, kaasi oo bedelaya mas’uulkii isaga ka horreeyay.

Magacaabista Caydaruus Macalin ayaa ku timid, kadib markii la arkay baahi loo qabo in la dardar-geliyo habsami u socodka Arrimaha maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor