Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Maanta kulan la yeeshay James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay garab istaaga ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor