Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor