Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada kunool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa  tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale, ka qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirro, Duqa magaalada Muqdisho, Agaasimiyaal, Odayaasha Dhaqanka, Haween, dhallinyarro iyo qeybaha kale ee bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor