Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa guul weyn inay Maanta soo idlaatay Doorashadii Aqalka Sare”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qoraal soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Senatarodii Maanta la doortay ee ku harsanaa Galmudug, kuwaasi oo kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa.

Rooble ayaa sidoo kale boggaadiyay Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo guud ahaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isagoo guul ku tilmaamay soo idlaashaha doorashadii Aqalka Sare.

“Waa guul weyn in ay maanta soo idlaatay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee BFS Waan bogaadinayaa senatorrada maanta la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-goboleedyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in maamul Goboleedyada laga sugayo in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor