RW Rooble oo xilalkii ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah xilka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ee xilka qaaday ayaa waxaa lagu eedeeyay inay lumiyeen Madaxbanaanidii guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda, isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada dalka ka dhaceysa.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan ujeedooyin kala duwan u isticmaaleen xilka lagu aaminay, sidoo kalena ka dhago adeegeen tallooyin iyo Digniino loo diray oo la xiriira ka waan-toobida falalka ay ku jireen.

Xubnaha ka tirsanaa Guddiga Khilaafaadka doorashada ee uu xilka qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah: Xuseen Laki Maxamed Maxamuud, Axmed Saciid Samar, Maxamed Faarax Xirsi, Nimco Axmed Cabdi, Cali Maxamed Faarax, Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Maxamed Ciise Heybe.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya Guddiga Khilaafaadka, waxaana ay kala yihiin: Ismaaciil Maxamed Axmed, Fardowsa Mataan Buulle, Ayaanle Axmed Cabdulle, Bashiir Axmed Yuusuf, Xasan Axmed Dhicisow, Axmed Barre Maxamed iyo Maxamed Cawil Marsame.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa dhammaan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed faray inay dhowraan anshaxa doorashooyinka, isla markaana ka fogaadan ku milmida Arrimaha siyaasadda dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor