Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilalka u kala bedelay laba kamid ah Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalka u kala bedelay laba kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,  waxaana la filayaa in labada Wasiir xilalka loo kala wareejiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badn xilalka ula kala wareegaan.

Tallaabada ayaa kusoo beegantay, xili uu jiro khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana labada dhinac ay isku kala jeediyeen eedeymo Culus.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor