Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Afhayeenka Xukuumadda u magacaabay inuu noqday Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah Wariye Rug-cadaa oo muddo badan kasoo shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, Wakiil-na uga ahaa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Maxamed Macallimuu ayaa haatan ahaa Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESUJ), waxaana lagula dardarmaay inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Xilkan ayaa noqonayaa mid cusub, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre oo la bilaabatay muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa Maanta Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay inuu nqodo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa, isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Caato.
Xoghayaha Joogtada Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim ayaa La-aliye u ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliyeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.