Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay kulan la qaatay Bulshada Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay munaasabadda iyo guud ahaan Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka. Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media