Ra’iisul Wasaare Rooble oo u dhoofay London iyo ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Maxamed Xuseen Rooble inta uu joogo Ingiriiska ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo heer Caalami oo kusii jeeda London.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ee Ingiriiska ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ku tegayo tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loo magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor